Aalada Facebook & Soomaali Maxaa Kala Haysta?

Facebook waa aalad Dadku iskula xidhiidhaan.Waa goob dad meelo kala duwan ku nool isku soo dhawaysa. Laikiin soomaali haddii aan nahay,inagoo ukala hadhin waxa aan u isticmaalaa,meel lagu soo caan boxo.

Dadka qaar baa waxa aad arkaysaa iyagoo uga hadlaya facebook ga arimo isaga u khaas ah.

Anigu waxa aan aaminsanahay, in arimaha facebook ga labo loo kala qaado:

1.Mid khaas qofka u ah(private):waxaana ka mid ah nolosha qof u goonida ah een la xidhiidhin dadka kale.sida in aad socdaal meelkale ku tegayso,in aad shaqo heshay,in aad qof saacidid iyo in aad guul kuu gooniya gaadhay.Haddii aad shaqo hesho tusaale waxa jira kuwo kale oo aan shaqo haysan.Haddii aad guul kale gaadho waxa jira kuwo isla arintaa ku guul daraystay.waxaana fiican in arintaada aad si gooniya u isticmaasho.

2.Arin guud (public issue):Waa arin guud oo dad kale ay kula wadaagaan.Tusaale ,in aad dadka wax uga faaiidaysid iyo in aad sheegayso dan guud.
Marmar waxa aan ku fakaraa,mala waxa haboonayd in uu facebook gu iman lahaaa qarniyadda soo socda.facebook wuxuu noqday meel hoos u dhigtay maqaamka dad tusaale bulshada u ahaa,ka bacdi marka aad aragto waxyaabaha ay bulshada la wadaaganayaan.Markaa waxa ila quman in wixii dadka faaiido u ah lagu dadaalo.

Mark suckerberg Milkiilaha facebook ayaa waxa uu sheegay mar uu tegay,Gobolka soomalidu ku badantahay ee minisoota in soomalidu ay facebook ga u isticmaasho si aan sax ahayn ,wuxuu sheegay in bulshooyinka kale ay si faaiido leh u isticmaalaan.

Ugu danbayn waxa haboon in la fahmo isticamaalka dhabta ah ee Facebook.

Ujeedo: Fahan isticmaalka facebook ka hor inta aad samaysan.

Axmed Washington