XULKA QARANKA ALGERIA OO KU GUULAYSTAY KOOBKA QARAMADA AFRIKA SANADKA 2019

Algeria's forward Riyad Mahrez and his teammates celebrate with the trophy after winning the 2019 Africa Cup of Nations (CAN) Final football match between Senegal and Algeria at the Cairo International Stadium in Cairo on July 19, 2019. (Photo by Giuseppe CACACE / AFP)

Image result for algeria 2019 winners

Xulka qaranka dalka Algeria ayaa ku guulaystay koobka qaramada Afrika sanadkan 2019ka isagoo koobkani yahay koodii labaad mudadii 60ka sanadood ahayd ee uu soo socday koobkan.

Algeria ayaa markeedii ugu horaysay ku guulaysatay koobkan 29 sanadood ka hor oo ahayd sanadkii 1990kii, xiligaasi oo ay ciyaarta kama dambaysta ah isku haleeleen xulalka wadamada ALGERIA iyo NIGERIA.

Image result for algeria 2019 winners

Arinta cajiibka ah ayaa ah in labada jeer ee ay Algeria ku guulaysatay koobka Africa ay ku badisay 1 goal iyo 0 weliba goolashaasina ay dhasheen qaybta horee ciyaarta.

Xalay waxay Algeria kaga badisay xulka qaranka Senegal 1 goal oo dhashay daqiiqadii labaad ee ciyaarta oo uu saxeexay ciyaaryahanka xulka Algeria uga ciyaara afka hore ee Baghdad Bounedjah kaasoo baas qurux badan ka helay ciyaaryahanka kale Ismael Bennacer oo waliba noqday xilidii ugu fiicnaa intuu koobkani socday.

Image result for algeria 2019 winners

Soomaalnews.com