WAR DEG-DEG AH: SHIL GAADHI OO AAD U CULUS AYAA KA DHACAY DEEGAANKA GALOOLEY

 

WAR DEG DEG AH: (Soomaal News): Shil aad u culus oo ka dhashay ka dib markuu qalibmay gaadhi noociisu yahay Nooha ayaa goor dhawayd ka dhacay wadada isku xidha magaalada Burco iyo Deegaanka Galooley ee Gobolka Togdheer, Somaliland.

Shilkan oo sababay khasaare culus ayaa inta ilaa hada la xaqiijiayay waxa ku naf waayay badi dadii saarnaa gaadhiga oo ilaa hada maraysa 7 ruux.

Dhaawaca iyo maydadka waxa hada loo gudbiyay cusbitaalka guud ee magaalada Burco.

 

Alla ha u naxariisto intii ku dhimatay, inta dhaawacana ahna ha u booga dhayo.

 

Soomaal News,

Burco