Ciidamadii la wareegey Doolow iyo Baladxaawo ayaa la sheegay in dhac iyo boob ay u geysanayaan shacabka.

 

Ciidamadii la wareegey Doolow iyo Baladxaawo ayaa la sheegay in dhac iyo boob ay u geysanaya shacabka.

Ciidamo huwan ah oo maalintii dhawaan kasoo ruqaansadey degmada Luuq oo si habqan ah ku galey degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ayaa dhac iyo boob u geysanaya bulshada labada degmo kuwaas oo walaac ka muujinaya ciidamada halkaas qabsadey waa sida ay caddeeyeen dadka deegaanku.

Image result for doolow somalia

Degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ahayd meelaha ugu xasiloon guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa ilaa shaley ka dhacaya rasaas cabsi badan galisey shacabka oo ay ridayaan ciidamada Muqdisho laga direy.

Sidookale ciidamada ayaa laba gaari oo shacab leeyihiin waxa ay ka afduubtey inta u dhaxeysa Doolow iyo Baladxaawo kuwaas oo aan wali la ogeyn halka ay geysteen ciidanku.

Degmada Baladxaawo ayaa sidookale ciidamadu waxay dhac iyo boob u gaysteen haweenka qaadleyda ah ee faras magaalaha Baladxaawo qaadka ku iibiya taas oo sababtey in ganacsiyadii kalena albaabada la isugu laabo cabsi laga qabo ciidamada huwanta ah in hantidooda ay qaataan.

Dowlada federaalka ayaa ciidankan diyaarad kusoo dulmarisey deegaano badan oo ay Alshabaab ka taliyaan, ayada oo la geeyey deegaanno xor ah oo 12 sano ka hor ay ugu dambeeyeen dagaallo.

Shacabka degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ayaa durba bilaabey inay u gudbaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya si ay naftooda iyo maalkooda uga badbaadsadaan ciidamada ay dowlada.

Image may contain: one or more people and people standing