“Dawladdu Waxay ku Bixinaysa Sanduuqa Miskiin Kalkaal Hal Milyan oo Doollar si loogu Taakuleeyo dadka Danyarta ah”

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xukuumaddu go’aansatay qiime dhimis cashuureed oo loo samaynaayo 20% raashinka daruuriga ah.

Wasiirku waxa kale oo uale ay kasoo gaadhey xanuunka Korona Fayras, waxaanu wasiirku intaas raaciyey in dawladu ay ugu talo gashay in sanduuqaas ay ugu tabarucdo lacag dhan 1 Milyan oo Dollar.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyey in dawladdu ay samaynayso sanduuq loogu talo galay in laga taakuleeyo ganacsatada yar yar ee ganacigoodu uu kaga baaba’ay ama hoos ugaga dhacay intii xanuunkani dalka soo galay, waxaanu tilmaamay in sanduuqaas ay dawladdu ku shubi doonto 1 Milyan oo Dollar.

Sanduuqa hore loo sameeyey ee loogu talo galay la dagaalanka iyo ka hortaga xanuunka COVID-19, ayuu sheegay wasiirku in lagu shubi doono 1 milyan oo Dollar oo kale, iyada oo hore sanduuqaas loogu shubay 500,000 oo Dollar.

Dawooyinka iyo agabka caafimaad ee lagula dagaalamaayo xanuunka COVID-19 ayay sidoo kale dawladdu cashuur dhaaf u samaysay, sida uu sheegay wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Dhanka kalena wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland waxa uu dadka ganacsatada iyo maalqabeenka ah ka codsaday in ay sako iyo sadaqo kaga qayb qaataan tabarucaadka lagu taakulaynaayo dadka uu saameeyey xanuunka COVID-19.

Baananka daymaha bixiya ayuu ugu baaqay Wasiir Sacad Cali Shirre in ay ka khafiifiyaan macaamiishooda shuruuha daynta, isla markaana ay waqti ugu daraan dadka ay daymaha ka sugayaan.

Dhinaca kale, wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland waxay oo saartay warsaxaafadeed ku saabsan qorshaha dawladda ee taakuleynta bulshada iyo ganaciga uu saameeyay xanuunka Covid, waxaana warsaxaafadeedkaasi lagu sheegay in qiimo dhimis loo sameeyay cashuurta soo dejinta raashinka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale, wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland waxay oo saartay warsaxaafadeed ku saabsan qorshaha dawladda ee taakuleynta bulshada iyo ganaciga uu saameeyay xanuunka Covid, waxaana warsaxaafadeedkaasi lagu sheegay in qiimo dhimis loo sameeyay cashuurta soo dejinta raashinka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu dhignaa sidan:-

“Dawladda Somaliland waxay qiimo dhimis cashuureed oo dhan 20% ku sameysneysaa cashuurta soo dejinta raashinka ee bisha Ramadaan, sida:- Daqiiqda, Bariiska, Saliida cuntada, Sonkorta iyo Baastada.

Dawladdu waxay kaga qeyb qaadaneysaa qaadhaanka Sanduuqa Miskiin Kalkaal, $1000, 000 (Hal Milyan oo Dollar), si loogu taakeleeyo danyarta uu noloshooda saameeyay caabuqa Covid19.

Dawladdu waxay furaysaa Sanduuq loogu talo-galay in lagu taakuleeyo ganacsatada yaryar ee uu saameeyay safmarka caabuqa Covid19-ku, waxaanay ugu deeqaysaa qadar lacageed oodhan $ 1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar).

Dawladdu waxay ku kordhineysaa $ 1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), sanduuqa ka hortagga iyo la dagaalanka caabuqa Covid-19-ka.

Dawladdu waxay cashuur dhaaf u sameynaysaa agabka ka hortagga iyo la dagaalanka Fayraska safmarka ah ee Covid-19, agabkaas oo ah:

  • Medical Isolation sets
  • N95 Respirators
  • Surgical Mask
  • Surgical Gloves
  • Temperature Scan (Head)
  • Temperature Scan (Body)
  • Sanitizers
  • Oxygen Ventilators.

Dawladdu waxay si dhaw ula socon doontaa ascaarta suuqa gaar ahaan, raashinka, dawooyinka, Shidaalka iyo agabka ka hortagag Covid19.

Dawladdu waxay ku dhiiri-gelinaysaa muwaadiniinta in ay Zako iyo sadaqadba kaga qeyb qaataan Sanduuqa Taakuleynta ee Miskiin Kalkaal.

Dawladdu waxay ku boorrinaysaa Baananka, Ganacsatadda iyo waaweyn iyo mulkiilayaasha Guryaha in ay aanay culeys ku saarin macaamiishooda bixinta lacagta ay ke yeeshaan bisha Ramadaan.

Dawladdu waxay u soo jeedinaysaa naananka iyo deyn bixiyayaasha kaleba, in ay fudeydiyaan shuruucdaha deyn qaadashada, si looga oo kabto dhaqaale burburka uu keenay caabuqa Covid 19