Taliyaha Booliska oo Awaamiir Kala Duwan Faray Ciidamadda

Taliyaha ciidamadda qaranka Somaliland sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa faray qaybaha kala duwan ee ciidamadda booliska in ay u diyaar garoobaan hawl adag iyo shaqadoodii oo laban-laab ah.

Tallaabadaasi ayuu taliyuhu ku sababeeyay curashadda bisha Ramadaan oo boolisku sida caadiga ah hawl-galadda kordhiyaan iyo arrinta isku imaatinka bulshadda lagu yaraynayo ee xanuunka Corona awgeed.

Sareeye guuto Daba-gale, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska guud ee ciidanka booliska ee Hargaysa, ayaa sidoo kale hanbalyo u diray guud ahaanba ciidamadda booliska, saraakiisha, dableyda, askarta iyo xaasaskoodaba curashadda bisha Ramadaan awgeed.

“Waxaan ciidanka booliska farayaa, inagoo awalba dadkeena u taagnayn, oo Hadh iyo Habeenba heegan ugu jirna, sidaan amniga u sugi lahayn. Bishan oo kale had iyo jeer waynu laban-laabi jirnay hawlaha amaanka.

Waxaan ciidanka booliska farayaa, in aynu shaqo adag u diyaar garawno, in aan shaqadeenii laban-laabno, feejignaantii laban-laabno, soo jeedkii laban-laabno, diyar garowgii laban-laabno, oo dhinac walba aan ka diyaar garawno”ayuu yidhi taliye Daba-gale.

Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi, waxa kaloo uu sheegay in iyadoo awalba ay ciidamadu heegan u ahaayeen hawlaha shaqo in hadana curashadda bishan Ramadaan awgeed iyo hawlo cusub oo soo kordhay ay ciidamadu shaqadii laban-laabeen.

Waxaanu yidhi, “Iyadoo hawshaasi awalba taasi ay inoo balan ahayd, ayaa hada-na waxaa maanta dheer, iyadoo dadkeenii aynu leenahay xerroodda, sida caalamku-ba yeelay. Waxaa inoo dheer hawshaa caabuqa Covid-19,.

Waxaan idinku adkaynayaa, in ay bishan Ramadaan shaqadii sii laban-laabno. Gaar ahaan waxaan farayaa saraakiisha ciidamadda, in kormeerro fara badan la sameeyo, awaamiirtaasi xakamayn badan lagu sameeyo”.

Geesta kale taliyuhu waxa uu bulshadda ka codsaday in ay qaataan una hogaansamaan tallooyinka iyo awaamiirta dhakhaatiirta iyo guddiga ka hor taga Corona Virus.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaan ku baraarujinayaa bulshadda reer Somaliland, waxaa la inooga baahan yahay, oo inagu khasab ah in ay asbaabta caalamku la yimid, la nimaadno. Asbaabta dhakhaatiirtu ay sheegtay la nimaadno.

Waxaan ku adkaynayaa bulshadda, in ay awaamiirta guddiga xakamaynta Covid-19, ee heer qaran, in ay u hogaansamaan. Meelaha la isugu yimaado ay iska ilaaliyaan, wacyigelinta guddigana ay qaataan, oo ay u dhego-nug laadaan”.

Dhinaca kale sareeye guuto Daba-gale, ayaa ka codsaday dadweynaha reer Somaliland in ay ciidamadda booliska kala shaqeeyaan hawl-galladda ay samaynayaan.

“Ugu danbayn, dadweynaha waxaan u sheegayaa, ciidanka booliska Somaliland, waxaan idinku baraarujinayaa bishaa Ramadaan, in sidii aad walba ciidanka ula shaqayn jirteen, in aad isku garab taagtaan.

Sidii aynu booliska u wada ahayn, aynu u wada ahaano, oo dhinac walba aynu ka feejignaano, oo cidii wax dareenta, meeshay doontaba ha ahaatee, in ay ciidanka booliska ee ugu dhaw deg deg ugu sheegno” ayuu yidhi taliye Daba-gale.